måndag 23 maj 2011

ISKU IMATINKA MAXAAN KA FA.IYDEYSAN KARNA?

isku imatinka maxaan ka fa.iydeysan karna?

"Dalka iyo dadka waxaa lagu horumarin karaa markii dhalinyardiisu israacdo oo ay isku niyad noqdaan, iyagoo daacad u ah dalkooda iyo dadkooda, taasi waxay ku imaan kartaa in la helo dhalinyaro u bisil siyaasadda dalka, iyagoo ka bogsada cudurrada foosha xun ee ah eexda, qabiilka, laaluushka, caddaaladarrida iyo qaraabakiilka"

Waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo dhalinyaro siyaasi ah, kacaan ah, wadani ah, is beddel doon ah isuna taaga badbaadinta dadka iyo dalka . Sidaas darteed ayay isu-tagga faca cusub ee dhalinta beesha ee u kala baahsan dacalada dunida is-tusnay inaan aasaasno urur mideysan

Ujeedooyinka ururka
 waa 3 ujeeddo oo kala ah:

1. Mideynta dhalinyarada BEESHA iyo la’dagaalanka waxyaabaha keenaya kala qaybsanaanta dhalinyarada sida: qabyaaladda, gobolaysiga, colaadaha, dulmiga, jahliga, cadaawadda, gaajada, qaadka, iyo wixii la’mid ah.
2. Xafididda muqaddasaadka dhalinyarada BEESHA ee ay ugu horreyso Diinta Islaamka iyo hiddaha iyo dhaqanka suubban ee dhalinta Soomaaliyeed.
3. Abuurista dhalinyaro jecel nabad, midnimo, waddaniyad, caddaalad iyo si loo helo dhalinyaro hormuud u noqota ummad is-jecel, hannaan dowladnimo, bulsho hodan ah iyo qaran haybad leh.


Gunaanadka hadalkeeyga

‘Dhallinyahey inaan cududii Umadeenna nahay ma moognahay, Dhallinyahey inaan Midnimo iyo Wadajir dhisno ma moognahay,Dal dugaagu haraagii cunayo inaan ka soo kacnay ma moognahay, Jawaabtu waa Mayee inta garasho mudanow Mudooyin sanadaa fadhiid hadaan aheyn, cid hurdada naga kicisana aan weynay Maanta diyaar ma u nahay Udub kii Dadkeenna iyo Dalkeenna inaan dhisno..." jawaabtu waa haaa

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar